Dagaalka Danab & Ilaalada Madaxweynaha Hirshabelle Muxuu Salka Ku Hayaa..

Somalia news

Muddo maalmo ah waxaa taagan oo xal waara loo la’yahay Dagaal markii hore ku bilaawday Is-Rasaaseyn u dhaxeysa Askar ka tirsan Ururka Danab iyo Ilaalada Madaxweynaha Hirshabelle taasoo ku faaftay ilaa Ciidamada Danab ee Gacanta ku heysa ilaalinta Garoonka Diyaaradaha Jowhar..

Sidee ku bilaabatay xiisaddaan?

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in maalintii jimcaha aheyd ayaa ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaano Ciidanka Madaxtooyada ee Hirshabeelle (Beeshs Warsangeli) waxay askari ka tirsan ciidamada Danab (Beesha Maxamed Muuse) ku toogteen gudaha magaalada Jowhar, mid kalana waa ay ku dhaawaceen, Ma cadda sababta ka dambeysay toogashadaasi, Sidoo kale waxaa la sheegay in rasaas ay rideen ciidamada Hirshabeelle uu ku dhintay qof kale oo shacab ah.

Falkaasi kadib ayaa xili uu safar u baxayay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Hirshabeelle, (Beesha Gaaljecel) Cabdixakiin Luqmaan oo la sheegay in laga horjoogsaday safarkiisa magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Jowhar u galbinaayeen Ilaalo ka tirsan kuwa Madaxtooyada Hirshabeelle, waxaana meel u dhaw garoonka diyaaradaha uu dagaal ku dhexmaray iyaga iyo Ciidamada Danab.

Weerar Xalay ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino ayaa laga helayaa weerar xalay lagu qaaday guri uu lahasn jiray Marxuum Maxamed Dheere oo degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, koox hubeysan ayaa weerar Bam-Gacmeed ku qaaday gurigaasi kuwaasoo la sheegay iney ku baxsadeen Mooto Bajaaj, waxaana loo maleynayaa in loo soo xaliyay Shaqaaqadii Jowhar Caasimada, Maamulka Xasan ayaa ku guuldarystay inuu xakameeyo Dagaal beeleedka u dhaxeeya Beelaha Warsangeli iyo Maxamed Muuse.

286290cookie-checkDagaalka Danab & Ilaalada Madaxweynaha Hirshabelle Muxuu Salka Ku Hayaa..