Maxaa ka run ah in Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka ay isku Uruursanaayan Magaalada Nairobi

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Todobaadkii ugu dambeeyay ay Madaxda iyo Taageerayaasha kooxda Mucaaradka ku ah Maamulka talada isku koobay ee Xasan Sheekh (Demu-jadiid iyo Daljir) ay isku uruursanayaan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in haatan ay Xaafada qaali ah ee Karen ee magaalada Nairobi ay degan yihiin Ra’iisul wasaarihii hore (Xasan Cali Kheyre), waxaa lagu wadaa in sanadka cusub soo gaaro oo gurina looga kireeyay Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, halka Sheekh Shariif la sheegay inuu muddo ku sugan yahay magaalada Nairobi.

Iyadoo Bilihii iyo todobaadyadii ugu dambeeyay ay soo gaareen kana dhoofeen magaalada Nairobi Madaxda Maamulada Puntland iyo Konfur Galbeed haatana ay wada joogaan magaalada Garoowe, iyadoo lagu wado inuu ku soo biiro Madaxweynaha Galmudug maalmaha soo socda.

Dhaqdhaqaayadaan ayaa ah shabakad isku xiran looga soo horjeedo Maamulka Xasan Sheekh, iyadoo tiro badan oo Xildhibaano taageersan Darafyadaan lagu wado iney Fariisimo ka dhigtaan magaalada Nairobi, ku darsoo Kooxahaan Mucaaradka ayaa la sheegay iney wada kulmisay Siyaasad xumida Xasan Sheekh.

230150cookie-checkMaxaa ka run ah in Kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka ay isku Uruursanaayan Magaalada Nairobi
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com