Digniino Laga Soo Saaray Koox Burcad ah Oo Dadka Indhasarcaadinaya Kadibna Lacagaha ka qaadanaya

Somalia news

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa muujineysa in Magaalada Muqdishu ay kusoo kordheen kooxo halis ku ah dhaca dhaqaalaha Bulshada, iyadoo la xaqiijiyay in Muwaadiniin badan si farsameysan lacago accountiyadooda ugu jirta si farsameysan looga qaatay…

Warbixintaan ayaa rilmaamtay in Dhowr qof uu hantidooda iyaga gacantooda ku bixiyeen kadib marki la indha sarcaadiyey, falalkaan ayaa la sheegay in lagu dhacay ugu yaraan ilaa 6-Qof, kuwaasoo laga qaatay dhaqaale, kadib markii salaan loo taagay, kadibna la weydistay Lambarada Accountiyadooda si fududna ku bixiyeen.

Haddaba waxaa looga digayaa Shacabka ku dhaqan Magaalda Mogadishu iyo guud ahaan Gobolada Dalka iney ka taxadaraan kooxahaan Burcada cusub ee indha sarcaadka wadato, Ogoow lacagaha ay ku xisaabtamayana waa dhowr kun oo dollar taasina waa halis weyn ee wajahayaan dadka dhaqaalaha badan ugu keydsan Bankiyada dalka.

218910cookie-checkDigniino Laga Soo Saaray Koox Burcad ah Oo Dadka Indhasarcaadinaya Kadibna Lacagaha ka qaadanaya