Warbixin:-Muxuu Ku Dhamaadey Shirkii u Horeeyey ee Guddiga Doorashooyinka Puntland..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in shalay oo isniin ah waxaa kulankii u horeeyay yeeshey 12 xubnood ee Guddiga doorashooyinka Puntland (PEC) ee magacaaban, waxaa ka maqnaa labada xubnood ee ururada Mideeye iyo Horseed oo aan soo magacaabin xubnahoodi..

Wararka ayaa sheegaya in Ajnadaha shirka markii horeba ma ahayn mid cad maadaama PEC aysan weli dooran Xoghayaha PEC, sida sharcigu qabo, laakiin sida ay Warbaahibtu degaanku ogaatey waxaa ajande laga dhigey in la doorto Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa.

Iyadoo ay dhibaato ku noqotey shirka PEC ee in doorasho dhacdo, go’aankii soo baxay Maxkamada Sare ee lagu hakiyey xubintii Xisbiga Shaqaalaha Faadumo Siciid Axmed oo Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland lagu eedeeyey in isagu keensadey kadib markii u faro geliyey Xisbiga Shaqaalaha, waxa shirka ku soo harey 11 xubnood oo aad u kala qaybsamey.

Eeda Loo Jeediyay Xisbiga Deni:-

Xisbiga Deni ee Kaah ayaa lagu eedeeyay iney qorsheysteen iney boobaan ama wada qaataan Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka guddiga doorashooyinka, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Cawl lagu eedeeyay inuu u ololeeyey in Guddoomiyaha uu noqdo Fuad Abshir Adeer oo Golaha Wakiilada ka mid ahaa kana tirsanaa Xisbiga Kaah, wuxuuna ka soo jeedaa Burtinle, halka uu ku-xigeen u wato Axmed Jaamac oo ka soo jeeda Sanaag, labada xubnoodba isaga ayaa soo magacaabey.

Muddo xileeedka Maamulka Puntland iyo Baarlamaanka Puntland ayaa gabaabsi ah ma jiro heshiis siyaasadeed ee mucaaradka iyo Maamulka Puntland u dhexeeya, qorshaha Deni waa in PEC ay samayso Road map iyo xiliga ay doorashada qabanayaan ay ku dhawaaqaan, waxaa aad u adag in lagu qabto doorasho Madaxweyne iyo Golaha wakiilada ka hor 8 Janaayo, waxa u furan waa albaabka muddo kororsiga haddii dhankaas loo dhaqaaqo waxaa la furayaa albabaabkii Dagaalka sokeeye.

276760cookie-checkWarbixin:-Muxuu Ku Dhamaadey Shirkii u Horeeyey ee Guddiga Doorashooyinka Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com