Ma Dhabaa in Saraakiil hore Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq iyo Dhac..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Kooxda Baarista Dembiyada Musuqmaasuqa ay diirada saareen Mas’uuliyiin Xilal kala duwan ka soo qabtay Maamulkii Farmaajo/Kheyre, kuwaasoo lagu eedeeyay iney lunsadeen Dhaqaale tiro badan…

Liiskaan 2-aad ee Mas’uuliyiinta loo heysto musuqmaasuqa waxaa ka mid ah.

-Agaasimaha Waxbarashada xiligii Wasiir Goodax Ahmed

-Agaasimihii hore ee Dastuurka Zubeyr

-Agaasimaha Xiligaan Waxbarashada madaxda ka ah Mr.Caabi

-Agaasimaha guud ee Wasaarada Amniga Yusuf Cali Maxamed

-Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaadiidka Bada

-Iskubada ridihii mashaariic Xafiiska RW waqtigii Khayre iyo Rooble Mr.Yoolax

-Xariiriyaha gaarka ah ee wasaarada Maaliyada Liibaan Obsiye.

-RW kuxigeenkii hore Mahdi khadar oo loo heesto mashaariicdii Hay’ada Environment 2018-2022 asaga ayaa hogaaminaayay.

-Lacagihii heshiiska wasaarada kaluumeesiga ee Shirkadaha Kaluumeesiga oo loo heysto Wasiirkii hore ee Kaluumeesiga Bidhaan iyo Wasiirkii hore Qorsheenta Jamaal oo u ahaa udub dhexaad waxaa wehliya 3-sarkaal technical ka ahaa heshiiskaasi, iyadoo la helay documentigii Shirkadaha China ku bixiyeen dhaqaalaha.

-Xogyihii Amniga Khayre Samiira ayadoo la musuq maasuqay lacagihii SSR (Security Sector Reform), ee Difaaca iyo Amniga Qaranka.

263430cookie-checkMa Dhabaa in Saraakiil hore Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq iyo Dhac..