Dabley Hubeysan Oo Dishay Gabar uu Dhalay Xildhibaan ka tirsan BFS..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Gabar la sheegay inuu Aabe u yahay Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Somalia ayaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho..

Wararka ayaa sheegay in Marxuumada lagu magacaabi jiray Faadumo Yuusuf Cusmaan Xaadoole, waxaa lagu toogtay xalay fiidnimadii goob la sheegay iney ka shaqeyneysay oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, iyadoo Dabley bistoolado ku hubeysan oo la tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin Argagixisada Shabaabka ayaa la sheegay toogasho ku dileen Marxuumada.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo sidoo kale ka tirsan Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha hogaamineysay howlgaladii baaxada lahaa ee kooxda Argagixsada shabaabka looga saaray degaano ka tirsan Sh/dhexe ayaa la sheegay inuu Abe u yahay gabadha la dilay.

263110cookie-checkDabley Hubeysan Oo Dishay Gabar uu Dhalay Xildhibaan ka tirsan BFS..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com