Tirada Soomaalida Kenya Oo Korortay & Sababka Ka Dambeysa..

Africa News Somalia news

Tirakoob la sameeyay sanadkii 2019-kii ayaa lagu xusay in Tirada Muwaadiniinta Soomaalida/Kenya ay korortay ayna ku dhowdahay 3-Millions oo Qof, isla markaasna ay noqdeen Qowmiyada 3-aad ee ugu badan kuwa ku nool Dalkaasi, inkastoo tiradaasi ay dhici karto iney ka sii bataan…

Inkastoo xiriirka Muwaadiniinta Somalida iyo Kenya uu ahaa mid marba heer soo maray arrinta Siyaasada gudaha ee Kenya dhexdeeda ah tan iyo xilligii gumeysiga, Dhibaatooyinku waxay isugu jireen iska hor imaadyo dhex maray labada beelood oo sababay weerarro argagixisanimo, Boliiska dhibaateeyo Soomaalida, lacago baad ah oo laga qaado, guri guri oo la soo galo Warqad la’aan, gacan ka hadal iyo xasuuq loo geystay Muwaadininta Soomaalida.

Hadana Muwaadininta Soomaalida ficiladaasi niyad jab kuma ridin, waxeyna sanadahaan dambe xooga saareen dhanka Maalgashiga, Ganacsiga, Dhismaha iyo Saameyntooda Siyaasada Kenya, iyagoo haatan Hogaanka u haya Wasaarada Gaashandhigga iyo Hey’ada Sirdoonka waxeyna kuxigeen yihiin Boliiska halka Ciidamada Mileteriga ay ka dhex muuqdaan.

283860cookie-checkTirada Soomaalida Kenya Oo Korortay & Sababka Ka Dambeysa..