Ma Dhabaa in Lafta gareen uu Ka Degaayo Garoonka Magaalada Dhuusa mareeb iyo Sababta..

Somalia news

Todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa ku sii qulqulaayay magaalada Dhuusa mareeb Siyaasiyiin ka soo jeeda Degaanada Konfur galbeed kuwaasoo wada tashi ugu tagay Madaxweynaha Somalia si loo qabto doorasho wadar oggol ah oo aan dhiig ku daadan, inkastoo cabsi xoogan ku gedaaman tahay…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Konfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen lagu wado inuu maanta ka dego garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusa mareeb xarunta Galmudug, halkaasoo uu wada hadalo kula yeelanayo Madaxweyne Xassan oo isagu todobaadkan dib ugu laabanaya Muqdisho, kadib maalmo badan oo u joogay xoreynta deegaanada Shabeelada dhexe, Galguduud iyo Hiiraan.

Dhinaca kale MW Laftagareen ayaa lakulmaya MW QoorQoor oo ay ka wada hadlayaan iskaashiga labada dawlad gobaleed, 2 maalin kadib, Laftagareen ayaa dib ugu laabanaya Baydhabo, kadib safaro isku maray Ethiopia, Kenya iyo Turkey oo todobaad qaatay, iyadoo ay u badan tahay in 15-Juun-2024 la qaban doono Doorashada Xilka Hogaanka Maamulka Konfur galbeed Guddiyo isku dhaf ah oo Federaalja iyo Maamulka ay hagi doonaan doorashada sida uu qorshu yahay.

280160cookie-checkMa Dhabaa in Lafta gareen uu Ka Degaayo Garoonka Magaalada Dhuusa mareeb iyo Sababta..