Ma Dhabaa in Siyaasad Xumida Xasan Sheekh ay Ku Riixday Laftagareen & Madoobe iney Xirsigii isku hayay ay Xooraan…

Somalia news

Todobaadyadaan dambe waxaa soo shaac baxaayay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Hogaanka Villa Somalia & Maamulada magac ahaanta u dhisan ee Konfur galbeed iyo Jubbaland salkana ku haya hanaanka doorashada oo Hogaamiyayaashani qorsheysteen muddo kordhin 2-sano iyo ama Khilaaf cusub oo horseeda Mustaqbal mugdi ah….

Iyadoo Xuuraanka loo qaateenka ah uu xaqiijinaayo in Hogaamiyayaashani ay sabab u noqdeen in Kulanka GWQ uu baaqday, waxaana Madaxweynaha Maamulka Konfur galbeed uu xiligaan ku sugan yahay magaalada Nairobi kana wado olole, halka Axmed Madoobe la sheegay inuu joogo magaada Dubai, iyadoo Saraakiishii Sirdoonka UAE ay ku fashilmeen iney heshiisiiyaan Hogaamiyayaasha Jubbaland & Puntland.

Labadaan Madaxweyne Goboleed ayaa ka gadoodsan qorshe xumida Xasan Sheekh & go’aan qaadaaho la’aanta ku aadan inuu cadeeyo mowqifkiisa ku wahahan dib u doorashadooda iyo inuu wakhti ka lumiyay qabashada Kulankaan, waxeyna diyaaraadeen doorasho ay maamushaan korna ka ilaaliyaan Ciidamada ATMIS ee Ethiopia & Kenya, haddi uu ky sii adkeysto (Xasan Sheekh) Siyaasadihiisa is-yeeyeelka.

Qorshaha Villa Somalia

Falanqeeyayaasha arrimaha Somalia ayaa yaqiinsan in Madaxweynaha uu maagan yahay inuu fuliyo go’aanada Baarlamaanka Federaalka ee Dastuurka lagu ansixiyay kaasoo uu Deni iska Diiday, hadii uu hirgeli waayo meel marinta Go’aankaasi waxaa u qorsheysan in mudada uu kororsado siina joogo inta laga qabanaayo doorasho waa haddi uu wakhti & Caafimaadka u saamaxaan.

Isku soo hoori, dabinada Dhinacyadaan ayaa soo gaaray halkii ugu dambeysa oo doontooda ay ku degi laheyd maxaa yeelay Muddo kororsigii hore ee sharci darrada ahaa ayuu ku fududaaday, waxaana Hogaanka Villa Somalia hortaal Isbaaro u dhigan laba daran mid dooro inuu codsigooda aqbalo iyo inuu hirgeliyo Go’aanada Baarlamaanka oo u baahan degaano laga fuliyo xiligaan uusan gacan ku heynin.

322380cookie-checkMa Dhabaa in Siyaasad Xumida Xasan Sheekh ay Ku Riixday Laftagareen & Madoobe iney Xirsigii isku hayay ay Xooraan…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *