USA Oo Dib U Soo Celisay Muwaadiniin Somali/Mareykan Ah

Somalia news

Waaxda amniga gudaha dalka Maraykanka ayaa jawaab ka bixiyay warqad Ilhan Omar u dirtay Laanta Socdaalka iyo Kastamada dalka Maraykanka, taasoo ay ku muujinaysay walaaca ku saabsan masaafurinta muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo dalka Maraykanka ku nool…

Sarkaalada Waaxda amnigu waxay sheegtay in dalka Mareykanka laga masaafurinaayo 39 muwaadin oo Somali ah, oo 36 ka mid ahi leeyihiin taariikh dembiyeed oo ay kamid yihiin, dil, kufsi, gacan ka hadal, xadgudub jinsi, dembiyo ka dhan ah carruurta, ka ganacsiga daroogada, iyo taageerada urur argagixiso.

Waxay sheegtay shakhsiyaadkan inay abuureen dhibaatooyin aan la tirin karin oo khatar weyn ku ah shacabka Mareykanka, oo ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota, waxay kaloo sheegtay iney la shaqeyneyso dowladda Somalia si loo tijaabiyo caafimaadka dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dib loogu celinayo dalkooda hooyo.

Shalay ayaa Waaxda Socdaalka ee USA, waxey magaalada Muqdisho kusoo celiyeen 39-muwaadin Soomaaliyeed oo hestay dhalashada dalkaasi, kuwaasoo horey loogu helay dembiyo kala duwan, waxaana ka mid ahaa, Mahdi Mohamed Xaashi, oo 31 jir ah oo waaxda Cadaalada Mareykanka ku heshay in uu taageero u fidiyay Al Shabaab, waxaana ninkan horey loogu riday xukun maxkamadeed oo xabsi ah.

61780cookie-checkUSA Oo Dib U Soo Celisay Muwaadiniin Somali/Mareykan Ah