Ma Dhabaa In UNSOM ay Shaqaalaheedii u Rartay Magaalada Nairobi & Sababta…

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa si hoose u sheegay in todobaadyadii ugu dambeeyay Saraakiisha sare ee Xafiiska UNSOM ee Muqdisho ayaa bilaabeen iney si tartiib tartiib ah ugu guuraan Magaalada Nairobi, iyadoo dib loogu qalabeeyay Xafiisyadii UNSOM ku lahayd…

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha UNSOM ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintan xasaasiga ah, balse ilo amni ayaa sheegaya in xaalad sugnaan la’aan ah ay ka jirto dhanka amniga ka dib bixitaanka ciidanka ATMIS, gaar ahaan Guutada ATMIS oo u xil saarneyd ilaalinta Villa Somalia iyo Baarlamaanka ayaa 10 maalmood dib loo dhigay guuristooda kadib markii Villa Somalia ay sidaasi codsatay.

Ku darsoo, Magaalada Kismaayo, Shaqaalihii joogay xafiiska UNSOM kuwooda Ajnabiga ahaa ayaa la daadgureeyay magaalada Nairobi, halka kuwa Soomaalida loo sheegay inay guryahooda ku shaqeeyaan, sida loogu sheegay farriimo loo diray. Ciidanka ATMIS ee ilaalin jiray xafiisyada ayaa ka baxaya Kismaayo.

276990cookie-checkMa Dhabaa In UNSOM ay Shaqaalaheedii u Rartay Magaalada Nairobi & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com