Wadooyinka Isburinaya: Hanti-dhowrka Guud ee Dalka iyo Sawirka Cadaalada ka Fog…

Somalia news

Kulankii dhawaan dhexmaray Hanti-dhowrka guud ee Kenya Nancy Githungu iyo dhiggeeda Somalia Axmed Ciise Guutaale, ayaa soo jiidatay indhaha bulshada, waxayna iftiimisay farqiga muuqda ee xagga khibraddooda, hanaanka iyo Saamaynta ay ku yeelan karto isla xisaabtanka Hantida dadweynaha Aqoonta Hogaanka Hey’adda…

Kulanka oo Jimcihii ka dhacay Aqalka Hanti dhowrka Kenya ee magaalada Nairobi ayaa waxa uu hordhigayaa waddooyinkii iska soo horjeeday ee ay Dalalka deriska ah u qaadeen sidii ay u heli lahaayeen Nidaam maamuleed oo hufan kuna dhisan isla xisaabtan, Hantidhowraha Somalia oo 37-sano jirka ayaa la wareegay xilka Xafiiskaan iyadoo ay jirtay muran iyo shaki ku saabsan magacaabistiisa.

Wariye Guutaale oo hore uga soo shaqeeyay idaacad maxali ah kana mid ahaa kooxdii ololaha doorashada ee Madaxweynaha, ayaa xulashadiisa loo arkayay mid siyaasadaysan oo aan ahayn mid ku dhisan mudnaan iyo Aqoon taasoo horseeday in shaki laga muujiyo daacadnimada Maamulka Xasan Gurguurte ee Ololaha la dagaalanka Musuqa.

Dadka dhaliila Hogaanka Villa Somalia ayaa waxey ku doodayaan in Guutaale aanu lahayn aqoontii iyo waayo-aragnimadii lagama maarmaanka u ahayd xilka aadka loogu hanweynaa, taasoo mugdi sii galineysa walaaca laga qabo in uu si hufan u gudan karo waajibaadka shaqo ee Xafiiska oo xiligaan wada Olole dhinac ka raran.

266160cookie-checkWadooyinka Isburinaya: Hanti-dhowrka Guud ee Dalka iyo Sawirka Cadaalada ka Fog…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com