Ma Dhabaa in Xeebaha & Magaalooyin Dalka ka tirsan Lagu Duugo Haraadiga Wasakhda Isbitaalada EU-da…

Somalia news

Macluumad hordhac ah ayaa tilmaamaya in wasakhda Kiimikada Isbitaalada Reer Galbeedka oo 39-kii sano u dambeysay ay Siyaasiyiinta Maalin noolka Somalida ay heshiisyo qarsoodi ah la gaareen Dowladaha Europe (Gaar ahaan Italy, Spain, France iyo Germany), si loogu duugo Degaano iyo Xeebo gaar ah ee Dalka Somalia…

Xogtasn ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Maamulada Dalka gaar ahaan Maamulada Gobolada ay si hoose u oggolaadeen kuna qaataan dhaqaale yar in Wasakhda Kiimikada Isbitaalada Italia lagu duugo degmooyinka Boosaaso, Haafuun iyo Garoowe, Degaanada Galmudug lagu duugay ama ay ku soo caaroyeen Haamo xiran, waxaana lagu arkay Degmoouinka Hobyo (3 Haan) halka Degaanka Mareeg lagu arkay tiro Haamo ah.

Degaanada kale ee loo qondeeyay in Wasakhda Isbitaalada Europe lagu duugo waxaa ka mid ah Magaalooyinka Jowhar iyo Mogadishu, iyadoo sidoo kale Magaalooyinka Berdaale, Marka iyo Baraawe ay yihiin Degaanada loo asteeyay halka Degmada Jamame oo ka tirsan Jubada hoose ay ku yaaliin goobo lagu duugo shucaaca Raajada iyo wasakhda kiimkada Isbitaalada.

265320cookie-checkMa Dhabaa in Xeebaha & Magaalooyin Dalka ka tirsan Lagu Duugo Haraadiga Wasakhda Isbitaalada EU-da…