Maxaa Xiligaan isku xiray Dib u Dhaca Demuqaraadiyada iyo Muddo Kororsiga Maamulada Gobolada

Somalia news

Magaalada Mogadishu waxaa xiligaan ku kulmaaya Mas’uuliyiinta Golaha Wadataahiga Qaran, iyadoo ka doodaaya arrimaha hortebinta leh ee Ajnadaha sida, Kheyraadka, Dardargelinta Dagaalada, dhameystirka heshiiska qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, Muddo kordhinta Madaxda Gobolada iyo dib u heshiisiinta..

Warar madaxbanaan ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha iyo Madaxda Maamulada ay isku waafaqsan yihiin in si sharci darro ah u soo saaraan go’aan ah in dhamaan Madaxda Maamulada Xulkoodku dhamaanaya loo kordhiyo lana gaarsiiyo ilaa Sanadka 2025-ka, talaabadaan (Extention-ka) ah, talaabadaan ayaa u muuqata mid hakad gelin doonta dagaalada lagula jiro kooxda argagixisada.

Ku darsoo waxey kaloo fashil ku tahay barnaamij-siyaasadeedka Madaxweynaha Siyaasada muddo sanado ah ku difaacayay in wixii laga diiday Farmaajo aan Xasan iyo Kooxdaanu laga yeeleynin, yaanan Dalka loo horseedin dagaal sokeeye, Kulankaan ayaa u muuqda mid Shacbiga Soomaaliyeed aad uga niyad jabsan yihiin, iyadoo Maamulada fadhiidka ay doonayaan iney Kursiga danahooda ku difaacdaan Dadkana dagaalada ku dhameeyaan.

221480cookie-checkMaxaa Xiligaan isku xiray Dib u Dhaca Demuqaraadiyada iyo Muddo Kororsiga Maamulada Gobolada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

1 thought on “Maxaa Xiligaan isku xiray Dib u Dhaca Demuqaraadiyada iyo Muddo Kororsiga Maamulada Gobolada

Comments are closed.