Fashilka Amni Iyo Xirnaanshaha Wadooyinka

Somalia news

Maamulka uu hogaamiyo Mr.Farmaajo oo muddo 3-sano iyo bar cunaqabateyn dhaqaale oo ka dhalatay Siyaasada Amniga iyo xirnaanshaha Wadooyinka ayaa isugu dartay shacabka Magaalada Muqdisho laba arrin oo mid walbo saamenteeda leh …

-Amniga Magaalada Muqdisho oo faraha kabaxay iyo Kooxaha argagixisada oo fulinaaya howlgalo qorsheysan, Qaraxyo iyo weeraro toos ah.

Dhaliisha muuqata ee kaliftay Fashilka Amniga ayaa lagu fasiray,  nidaamka fashilka ah ee lagu hogaaminayo Hey’adaha amniga hadii ay ahaan laheyd Ciidanka oo la Qabiileeyay, Hey’adii Sirdoonka (NISA) oo la burburiyay kadib markii Dhamaan Saraakiishii iyo Ciidamadii qarsoona xogtooda loo gacan geliyay Kooxaha argagixisada si loo ugaaraado.

Saameynta Dhaqaalaha:-

Xirnaanshaha Wadooyinka ayaa ah kuwa ugu saameynta badan Dhaqaalaha dalka waxaa sare u kacay qiimaha Gadiidka Dadweynaha (Bajaajta), waxaa shaqo la’aan noqday gadiid PL ka inta badan maadama Wadooyinka badan aan lo Oggleyn maristooda, waxaa sare u kacay gadiidka bajaajka qiimaha lagu raaco taaso mararka qaar qiimaha gaara mid aaysan bixi karin dadka danyarta ah, waxaa sido kale sare u kacay kala iibsiga badeecada suuqa maadama ay kooban tahay gaadiidka kasoo baxa dakada maadama mararka qaar badeeco ku jirta dakada sido kale  suuqana gabaabsi ka ah in dakada laga soo bixiyo lana soo marsiiyo jidadka muqdisho ay qaadato kudhawaad isbuc taaso sare u kicisa sicirka badeecada, 

Su’aasha Shacbiga iswaydiiyaan ayaa ah Maxaa marka ay qaraxyo & dilal qorsheysan ay dhacaan looga hadlaa dooda ah maxey  dowladii sugi waysay amniga maxey Wadooyinka u xiran yihin oo dadka loo ciqaabayaa hadeeyba hureeynin qarax?

53600cookie-checkFashilka Amni Iyo Xirnaanshaha Wadooyinka