Ma Dhabaa in Liiska Xildhibaanada Beesha Mareexaan Oo Doorashadoodu lagu Qaban doono Ceel waaq

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Liiska Xildhibanada ee Kuraasta Beesha Mareexaan oo xulashadeedu lagu qaban doono Maalamaha soo socda Degmada Ceel waaq oo ka tirsan Gobolka Gedo kadib markii Maleeshiyo Beeleed daacad u ah Farmaajo ay diideen in degaanka gaaraan Guddiga Dooraahada (FIET) iyo kuwo Xaqiiqo raadin ah…

Iyadoo Kursigii ugu horeeyay ee doorashadiisa ay ka dhacdo degmada Ceelwaaq ee degaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamayay musharixiinta kala ah Cabdullaahi Abukar Xaaji iyo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim, Musharax Xildhibaan Cabdicasiid Cabdullaahi Ibraahim ayaa u tanaasulay musharixii kale ee kula loolamayay kursiga tirsigiisu yahay #HOP119.

Liiska ayaa ah kuwa hoosta ku xusan:-

-HOP#110: Maxamed Muxumed Max’ed, reer diini , Reer Siyad, Guddomiyihi hore gobolka Gedo ahna Wasiru dowlaha arimaha gudaha Jubbaland, Waxaana taageersan Madaxweyne Kuxigeenka Mr.Maxamud Sayid Aadan.

-HOP#78 Cabdulqadir Jeylaani, Cali dheere, waa Gudoomiye kuxigeenka Guddiga doorashada SEIT Jubbaland, Waxaa taageersan Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Axmed Madoobe.

-HOP#125 Abdirashid Moxamed Color, reer Xasan, Waqmaashe, Wasirka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Jubbaland waxaa taageetsan Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland.

-HOP#131 Axmed Cusmaan Daqare, Reer Xasan, Reer Yuusuf., Waa saaxibka ugu dhow Axmed madoobe.

-HOP#122 Mursal Khaliif, Talxe, Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, wuxuuna taagero xoogan ka heysta Col.Cabaas.

-HOP#123 Faadumo Faarax Aadan, Reer Diini, Reer Ugaas Sharmake, Waa Xildhibanad ka tirsan Baarlamanka Jubaland. Waxa keensaday Senator Fartaga iyo Wasiirka caafimadka Jubbaland Oogle.

-HOP#100 Baalle Ibrahim Cabdi, Hawrarsame, Waa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka, waana qurbajoog ka soo shaqo tagay USA, Waxaana taageersan Maxamud Sayid Aadan.

-HOP#116 Duniya Sheikh Axmed, Reer Axmed. Waa marwada wasiirka amniga jubaland General Dhuumal.

-HOP#117 Nuur Afeey, Fiqi Yacquub. Agaasimihi hore Wasaaradaha Arimaha Gudaha Federaalka, Waxa keensaday Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland.

-HOP#216 Faarax Taraar, Uurmidig, Waa Wasiir Kuxigenka Warfaafinta Jubaland. Waxa keensaday Axmed Madoobe.

184350cookie-checkMa Dhabaa in Liiska Xildhibaanada Beesha Mareexaan Oo Doorashadoodu lagu Qaban doono Ceel waaq