Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ay soo food saartay khataro ku Khasabtay iney Qaxooti Miciin bidaan..

Somalia news

Macluumaad ayaa tilmaamaya in Sanadihii ugu dambeeyay ay aad u kordheen tacadiya loo geysanaayo Shaqaalaha ka howlgala Warbaahinta madaxa banaan, Xaqiiqda murugada leh Dalka Somalia ayaa waxey haysataa kala soocisteeda foosha xun oo ah Qaarada Afrika ugu khatarta badan ee suxufiyiinta…

Iyadoo kaalimaha hore kaga jirta liiska wadamada ay ka dhacaan tacadiyada, isla markaasna inta badan kuwa geysta dhibka ay ka baxsadaan isla xisaabtanka iyagoo aan si buuxda loo la xisaabtamin, Inkastoo kooxda Argagixisada Shabaabka lagu tilmaami jiray inay yihiin dhagarqabayaashs 1-aad, ayaa haddana warar dhowaan soo baxay waxay sheegayaan in Hay’adda NISA oo u badan xubno hore uga tirsanaan jiray kooxda xagjirka ah ee aan kor ku soo sheegnay, ay ku lug leeyihiin gabood falada ka dhanka ah Wariyayaasha.

Wararka ayaa sheegaya in Yuusuf Cabdi Shire, oo ah tafatire rug cadaa ah, isla markaana ah tiro Warbaahino ka howlgalay ayna ka mid yihiin Telefishinada RTN, SBC TV, iyo Dalsan TV, ayaa hadda isku arkay inuu iskiis isku musaafuriyey sababo la xiriira hanjabaado badan, Sheekada Wariyaha waxay muraayad u tahay xaqiiqada maalinlaha ah ee murugada leh ee ka jirta magaalada Muqdisho, oo ay Muwaadiniinta degani ugu magacdareen “Magaalada dhimashada.”

Inkastoo tirada Wariyayaasha lagu dilay Dalka ay hoos u dhacday, hadana waxaa sii socda xariga aan loo meel dayin, werarada, iyo shaqada ka joojinta, iyadoo ay ku sii baahday guud ahaan Gobolada, Labada Maamulada maxaliga ah iyo kuwa Federaalkuba waxay ku adkaystaan ​​awooddooda aan la xakamayn, iyagoo caburinaaya saxafiyiinta Soomaaliyeed kuwaasoo aan lagu ciqaabin markastoo warbixino xasaasi ah laga qoro/Faafiyo, hadday tahay Muqdisho, Kismaayo, Hargeysa, Baydhabo, Dhuusa mareeb ama Garoowe.

271440cookie-checkSuxufiyiinta Soomaaliyeed oo ay soo food saartay khataro ku Khasabtay iney Qaxooti Miciin bidaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com