Shababka Oo La Wareegay Degaano U Dhow Cadaado

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa waxay sheegayaan in Maleehsiyaad daacad u ah Kooxda Shabaabka ay saakay la wareegeen degaan lagu magacaabo Cadakibir oo 60-KM u jira magaalada Cadaado….

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Degaankaan oo dhanka bari uga beegan magaalada Cadaado, waxaana saakay gudaha u galay ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaabka, iyadoo aan xabad ku ridin degaanka, Degaanka Cadakibir ayaan markii hore laheyn wax maamul ah, waxayna Dableydaan ka sameeysteen fariisimo daafaha iyo gudaha degaanka.

Kooxda argagisixada ayaa waayihii dambe dhaq-dhaqaaq ka waday deegaanada ay ka joogaan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug, waxayna dadka deegaanka maalmihii lasoo dhaafay kula dagaalayeen koonfurta gobolka Mudug degaanka.

.

59110cookie-checkShababka Oo La Wareegay Degaano U Dhow Cadaado