Soomaalida ku nool Waqooyiga America oo ka Cabasho ka Muujiyay Qiimaha Baasaboorka Somalia..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa tilmaamaya in Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool Dalalka Waqooyiga America ayaa cabasho weyn ka muujinaya qiimaha ay ku helayaan baasaboorka Somalia, iyadoo Qiimaha ay Safaaradaha Somalia ee Montreal iyo Washington ku bixiyaan baasaboorka Dalka uu afar jeer ka badan yahay…

Wararka ayaa sheegaya in Soomaalida degan Mareykanka ee doonaya Baasaboorka Dalka, ayaa ka cabanaya in laga qaado lacag $430, waxay sheegeen lacagahaasi in aanay ahayn kuwa ay u dajisay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, iyadoo Qeylo dhaantaan uu soo fara geliyay Sarkaal ka tirsan Maamulka Xasan Sheekh.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somalia Isaaq Maxamuud Mursal (Isaaq Fanax) oo safar ku jooga Maraykanka ayaa sheegay in Dowladdu aysan ka war-hayn lacagtaasi, ayna wax ka qabanayaan cabashada Shacabka Soomaaliyeed, isagoo wareysi siiyay Idaacada VOA Somali ayuu sheegay inay qaadayaan tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanayo qiimaha saa’idka ah ee Baasaboorka Somalia.

274940cookie-checkSoomaalida ku nool Waqooyiga America oo ka Cabasho ka Muujiyay Qiimaha Baasaboorka Somalia..