Maleeshiyaad Hubeysan oo Qabsaday Goobta Doorashada Degmada Eyl 

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada Puntland ayaa sheegaya Maleeshiyaad hubeysan oo degaanka ah ayaa la wareegay hoolka doorashada Golaha degaanka degmadda Eyl ee Gobolka Nugaal, kadib weerar sababay khasaare oo ay ku qaadeen aroortii hore ee Saakay..

Wararka ayaa sheegay in Dhaarinta iyo doorashada Guddoonka Golaha degaanka Eyl ayaa lagu waday inay dhacdo maanta. Balse Duqa iyo kuxigeenka degmadda oo kamid ah Urur siyaasadeedka Xukuumadda ee KAAH, ayaa isku soo taagay Guddoonka Golaha deegaanka, taas oo sababtay muran hareeyay doorashada, iyo inay kala jabaan xubnaha Golaha ee KAAH.

Ururka KAAH ayaa looga adkaaday doorashada Guddoonka Golaha deegaanka degmooyinka Qardho iyo Ufeyn, kaddib doorashooyinka dhacay bishan April. Golayaasha deegaanka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa lagu soo doortay doorasho qof iyo cod ah oo dhacday 25-October, 2021.

182500cookie-checkMaleeshiyaad Hubeysan oo Qabsaday Goobta Doorashada Degmada Eyl