Ma Dhabaa in Xiriirkii Puntland & Hey’adaha UNDP iyo Eu-da Somalia uu Gaaray Heerkii ugu Hooseeyay

Uncategorized

Macluumaad hordhac ah ayaa muujinaaya in xiriirkii wada shaqeyn ee u dhaxeeyay Maamulka Puntland & UNDP iyo Xafiiska Ergada Europe ee Somalia uu gaaray heerkii ugu hooseyay kadib markii uu Awaamiir uu soo Saaray Madaxweynaha Puntland kuna Amray Wasaarada Amniga iney hakiyaan wada shaqeyntii ay la laheyd Hey’adahaan..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtayin Wasaarada Amniga Puntland ku wargelisay Hey’addaha in la joojiyay wada shaqeyntii guud ee dhinacyada Amniga iyo Boliiska la joojiyay, kuwaasoo ka taageeri jiray Dhinacyada Farsamada iyo Gunnooyinka, iyadoo go’aankaasi ay ku shaqo waayeen tiro Muwadiniin ah oo isku xiri jiray Hey’adaha iyo Wasaarada Amniga.

Dhanka kale Waxaa istaagay Wada shaqeyntii u dhaxeysa Puntland & Xafiiska EU-Somalia, iyadoo warbixin ay Xafiiskaan diyaariyay xaalada Dalka guud ahaan ayaan lagu soo darin qabanqaabada Doorashada Puntland, waxasna lagu sababeeyay in xiriirkii Mr.Dani & Xafiiskaan ayaa meeshii ugu hooseysay gaaray, iyadoo EU-da laga sugaayay iney Maalgeliso Mashruuca Doorashada Degaanada Puntland.

249000cookie-checkMa Dhabaa in Xiriirkii Puntland & Hey’adaha UNDP iyo Eu-da Somalia uu Gaaray Heerkii ugu Hooseeyay