Danjire hore Oo Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ka Degtay Xabsigana la Dhigay

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay xabsiga u taxaabeen Danjirihii hore Ee Somalia u fadhiyay Dalka Indonesia, kaasoo iska casilay xilkii uu hayay Dowladda Federaalka, isla markaasna cafis weydistay Maamulka Muuse Biixi…

Wararka ayaa sheegay in Safiirkaan oo magaciisa lagu sheegay Keyse Gurey, Safiirkaan ayaa shalay ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxaana markii hore amar ku bixiyay in xabsiga laga sii daayo Wasiirka Somaliland Maxamed Kaahin oo Xoogaga Amaanku ku wargaliyeen in la cafiyay Gurey.

hase yeeshee markii uu gurigiisa tagay, ayaa la sheegay iney ka daba tageen oo ay afduubteen Xoogag hubeysan oo uu Madax u yahay Wiilka Muuse Biixi, Lama oga halka uu hadda ku sugan yahay, Wasiir Siciid Sulub, Taliye Dagale iyo Faysal Cali Waraabe ayaa hadda Gurey ka baadi goobaya jeelasha Hargeysa.

248970cookie-checkDanjire hore Oo Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa ka Degtay Xabsigana la Dhigay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com