Guddiga Adeegga Xajka oo soo saaray Shirkadaha ku Guuleystay u Adeegista Xujeyda 

Uncategorized

Guddiga u xilsaaray kala saarista Shirkadaha u tartamay u adeegista Xujeyda Soomaaliyeed 1444 Hijriya/2023 ayaa soo saaray Shirkadaha ku guuleystay u tartamidda adeegga ay u baahan yihiin Xujeyda ee sanadkaan…

Xubnaha Guddiga oo Warbaahinta la hadlay ayaa iska fogeeyay eedaha ay u jeediyeen dhinacyada kala duwan ee qaarkood xilalka ka haya laamaha fulinta & Xeer dejinta Dowladda Federaalka, waxa uu isku sifeeyay in uu shaqadaas u qabtay si caddaalad ah.

Guddiga ayaa sheegay in Shirkadaha guuldareystay ay ku kala hareysan dhinacyada adeegga, wareysiyada & meelaha kale su’aalaha laga weydiinayay si baahida Bulshadu ay qabto looga arko doorka ay shirkaddu ku biixin karto.

Qiimaha Xujeyda Soomaaliyeed ee 1444/2023 ayuu Guddigaan sheegay in uu soosaarayo dhowaan si meesha looga saaro cabashooyinka kasoo laabtay, halka Shirkadaha loo kala saaray derajooyin kala sarreeya marka lagu qiimeeyay natiijada Imtixaanka la hor dhigay.

249030cookie-checkGuddiga Adeegga Xajka oo soo saaray Shirkadaha ku Guuleystay u Adeegista Xujeyda 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com