Somali La Soo Taagay Maxkamad..

Uncategorized

Eedeysane Asalkiisu Somalia ka soo jeeda ayaa la horkeenay Maxkamad ku taal konfurta Magaalada London ee Boqortooyada UK, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku dhaawacay 3-qof guri xafaladi ka jirtay.
Eedeysane Yuusuf Cali oo degan Xaafada Brixton ayaa la sheegay in 4-August 2019-kii lagu eedeeyay inuu gabar Somali ah oo da’deedu lagu qiyaasay 18-jir uu ka tuuray Dabaqa 4-aad ee dhisme ku yaal xaafada Empire Squeare ee Southwark ee London.
Ninkaan oo ka hor u hanjabay Gabadha, ayaa la sheegay iney u soo gurmadeen laba Wiil oo Somali ah kuwaasoo uu ku dhaawacay mindi, waxaana lagu qabtay isagoo xiligaasi doonayay inuu ka baxsado goobta.
Maxkamadda Croydon Crown Court, ayaa ku heshay dembiga Yusuf Ali, iyadoo la sheegay in Gabadha Somalida ah ay muddo dhowr  todobaad ay Isbitaal ku jirtay, dhaawacyna ja-jab ahay ka soo gaareen, ay hadda caafimaad ay soo hagaageyso.

15450cookie-checkSomali La Soo Taagay Maxkamad..