Howlgalo lagu Khaarijiyay Horjogayaal ka tirsan Kooxda Shababka

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay ka fuliyeen laba Degaan Ciidamada Danab kuwaasoo la sheegay in lagu khaarijiyay 4-Horjooge oo ka tirsan kooxda argagixisada Shababka falalkaan ayaa ka kala dhacay Duleedada Magaalooyinka Kismaayo iyo  Mogdishu…

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Laamaha Amaanka ee Somalia ay rumeysan yihiin in howlgal ka dhacay Degaanka Wayanta ee Koonfur-galbeed ee magaalada Kismaayo lagu beegsaday mid ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyada kooxda Shababka oo lagu magacaabo Muumin Dheere, kaasoo la sheegay inuu ahaa ku xigeenka Amiirka degaankaasi.

Dheere waxaa dhawaan magacaabay Mareykanka. Waxa uu ku lug lahaa weeraradii ka dhanka ahaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, iyo sidoo kale weerarkii garoonka diyaaradaha ee Kismaayo. Dheere waxaa loo magacaabay Axmed Kabadhe, oo sida la sheegay ka mid ahaa taliyaha kooxda ee gobollada Jubbooyinka.

Dhanka kale, Warbaahinta Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Horjooge lagu magacaabi jiray Cali Raaxo oo u qaabilsanaa aruurinta Baada lacagaha ah ee laga qaado goobaha Ganacsi ee magaalada Muqdisho, ay ciidamada ammaanka ku toogteen agagaarka degmada Afgooye.

258950cookie-checkHowlgalo lagu Khaarijiyay Horjogayaal ka tirsan Kooxda Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com