Share the post "Ma Dhabaa in Xisbiga Xasan Sheekh ay u Xusheen Wasiirka Maaliyada Xildhibaan ka soo Jeeda Boorame"
Warbixin hordhac ah ayaa tilmaamaya in Maamulka Xasan Sheekh iyo Ururkiisa ”Damul jadiid” ay isla meel dhigeen in Wasiirka Maaliyada ay u xusheen Xildhibaan ka tirsan Ururka kana soo jeeda Degmada Boorame, isla markaasna ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka…
Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Dr.Cilmi Maxamed Nuur oo 56 jir ah aya noqon doono Wasiirka Maaliyadda Dowladda cusub ee 🇸🇴, Xildhibaanka ayaa wuxuu Shahaadada Bachelor & Master-ka qaatay Jaamacadda “The School of Economics” ee Magaalada Islamabad, Dalka Pakistan.
Dalka Shahadada PhD uu ka qaatay Dalka Sweden, Xildhibaanka ayaa ka tirsan Urur Diimeedka “Damul Jadiid”, Dr.Cilmi ayaa u dhashay Beesha Samaroon , jufada Mekahil, wuxuuna bedeli doonaan Mr.Cabdiraxman Beyle oo isna ka soo jeeda Beesha Dr.Jaamac.