Miyeey Ganacsiga & Kaluumeysiga Somalia Saameyneysa & Halista Ka soo Fool Leh Badda Cas..

Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay weerarada Kooxda Xuutiyiinta ay ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga, Kuwa Konteenarada iyo Xamuulka Shidaalka kuwaasoo ku sii jeeda Dekeda Eilat ee Dalka Israel, waxeyna ku guuleysteen kooxdani iney si hufan u xanibto dhaqdhaqaaqyada Dekada Eilat iyo marinka Suweys Canal..

Dowladda Mareykanka ayaa muddo ku howlaneyd sidii ay u dhisi laheyd Gaashanbur weeraro ku qaada Kooxda Xuutiyiinta, waxeyna ku guuleysteen iney 13-Dal u diyaariyaan iney weeraro ku qaadaan Kooxda Xuutiyiinta waxeyna kala yihiin:-

United States
Egypt
Saudi Arabia
United Arab Emirates
Israel
France
Italy
Germany
United Kingdom
Turkey
Jordan
Bahrain
Oman
Qatar

Dhanka kale, Xogo Sirdoon ayaa xaqiijinaaya in Raxan Maraakiib Dagaal uu hormuud u yahay Markabka diyaaradaha Xambaara ee Eisenhower ay soo gaareen Xeebaha Gulf of Aden, wuxuuna xiligaan ku sugan yahay Xeebaha Gobolka Bari, iyagoo diyaar u ah iney duqeyn weeraro ah ku qaadaan Dalka Yemen.

Waxaa la xaqiijiyey Dalalka Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Sucuudiga iyo Urdun inay Israa’iil ka caawinayaan inay hareer maraan go’doominta Yemen ee Badda Cas, Dalka Israa’iil waxay badeecadaha kala soo degtaa dekedaha Imaaraadka iyo Baxrayn, iyadoo soo dhex marsata Dalka Sacuudiga sida ay xawiijiyern ilo amaan, iyadoo laga csbsi qabo in Dalka Iran uu xirto Persian Gulf.

Dowlada Somalia ayaa oggolaasho si qarsoodi ah u siiyay Xulafada USA ay Hornuudka ka yihiin, halka Dekadda Boosaso oo fure u ah Ganacsiga Puntland ilaa Gobolada dhexe ee Dalka ayaa inta ugu badan ganacsatadu alaabtooda uga timaada dalka UAE iyo dalalka kale ee Khaliija kala soo degaan, halka xoolo badanna uga dhoofaan wadamada carabta ay u nugul yihiin iney noqdaan kuwa Ganacsiga iyo Kaluumeysigaba ka xayirmaan todobaadyada iyo Bilaha soo socda.

294080cookie-checkMiyeey Ganacsiga & Kaluumeysiga Somalia Saameyneysa & Halista Ka soo Fool Leh Badda Cas..