Siysaasi Mucaaradka ka Tirsan oo Digniino ka soo saaray Ganacsiga Boosaaso..

Somalia news

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa sheegay in Ganacsiga magaalada Boosaaso uu qarka u saaran yahay inuu xirmo kadib markii ay ganacsatada hanjabaado u jeediyeen kooxaha Argagixisada ah isla markaasna uu hoos u dhac ku yimid Amniga..

Mr.Abgaal ayaa sheegay in “Waxaa nasiib darro aad u weyn ah in Ganacsigii waddanka uu qarka u saaran yahay in uu wada xirmo, iyada oo shirkadaha qaar ee ku yaala xarunta ganacsiga Dowladda Puntland ee Boosaaso ay u xiranyhiin hanjaabaadyo uga imaanaya Ururada Argagixisada ah”.

Mas’uulkaan hore ayaa Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo Mr.Deni ku eedeeyay in ay ku fashilantay sugidda Amniga shacabka canshuur-bixiyaasha ah ee Boosaaso”Waxaa meesh ka baxay Dowladdii canshuurta qaadaysay iyo Laamhii Amniga ee loo xil saaray Ilaalita nafta iyo maalka Shacabka Puntland, taas oo ay sabateeda leedahay Xukuumadda wakhtigu ka sii dhammaanayo oo gabtay in ay bixiso mushaaraadka Ciidanka”.

Siyaasigaan Mucaaradka ka tirsan ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay wajahayso xaalad hubanti la’aan ah oo isa saaran, Amnigii oo maraya meel khatar ah oo noloshii dadka iyo ganacsigii oo qiil qiil galay iyo Ciidankii iyo Shaqaalahii oo aan in muddo ah wax xuquuq ah  aan qaadan.

273680cookie-checkSiysaasi Mucaaradka ka Tirsan oo Digniino ka soo saaray Ganacsiga Boosaaso..