Aalada Tiktok-ga & Dhibaatada & Dhaqan xumida Dhalinta Soomaaliyeed

Somalia news

Qeylo dhaan iyo Su’aalo ayaa laga keenay qaabka khaldan ay Dhalinyarada Soomaaliyeed u fahmeen isticmaalka Baraha bulshada, iyagoo intooda badan ka tagay anshaxii iyo aadaabta suuban ee Dhaqanka Soomaaliyeed, waxeyna har iyo habeen faafinayaan muqaalo laga yaxyaxo kuwaasoo intooda badan noqdeen kuwo lagu raadinaayo “View & Like” badan….

Waxaana ka sii daran in Dowladda Federaalka faracyadeeda Warfaafinta, Diinta iyo Amaanka, kuwa Maamulada ayaa ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan dhaqan xumida sanadahaan dambe Dhalinyarada iyo Caruurta ku baahinayaan Baraha bulshada gaar ahaan Barta Tiktoka-ga, iyadoo Dalka China oo Shirkadda iska leh ka soo jeedo ay mamnuuc ka tahay in Dadkeeda isticmaalaan.

Ku darsoo Maamulka Biden ee Washington ayaa bishii hore saxiixay amar fulineed kaasoo shaqaalaha Dowladda heer Federaal iyo agabka ay ku shaqeeyaan ka mamnuucaaya iney adeegsadaan kuna soo degsadaan Aaladaan (Tiktok), sidoo kale Laba Gobol (Wisconsin iyo Nord Caroline) ayaa ka mamnuucay Tiktok-ga Goboladooda.

Hadaba, Dowladda Federaalka maxaa ka hortaagan iney xakameyso isticmaalka Aaladan Tiktok Gudaha Dalka, maxeyse u soo saaro la’dahay xeerar hagaaya Difaaca Tiknoolajiyada iyo Kaabayaasha Amniga Internet-ka iyo ilaalinta Sirta muqaalada dijitaalka kuwaasoo ah in mudnaanta kowaad ee la dagaalanka dhaqanka xun ee sanadahaan ka socda guud ahaan Baraha bulshada.

237040cookie-checkAalada Tiktok-ga & Dhibaatada & Dhaqan xumida Dhalinta Soomaaliyeed
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com