Kenya Oo Dardar Gelisay Saameynteeda Gobolada Dalka

Somalia news

Kadib markii uu xumaaday Xiriirka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya, isla markaasna gaaray heerkii ugu hooseeyay, ayeey Maamulka Uhuruu bilaabeen iney balaariyaan Saameyntooda Siyaasada gudaha Dalka iyo xiriirada tooska oo ay la sameysanayaan Maamulada Gobolada Dalka…

Dhowaan ayeey shaaca ka qaadeen Maamulka Nairobi iney xafiisyo heer Qunsuliyad ah ka furtaan Magaalada Hargeysa si ay u xoojiso joogitaankeeda iyo Saameynta Siyaasada Somalia, waxeyna sheegeen iney xiriirkaan cusub uu Labada Shacbi u fududeynta iney Xafiisyo u adeega ka kala furtaan Magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa.

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com news u xaqiijiyay in Tirada Muwaadiniinta Kenya ee ka xoogsata Gobolada Waqooyiga Somalia ay u badan yihiin Qeybaha Waxbarashada iyo Caafimaadka, iyadoo qoraalada ay faafinayaan Maamulka Nairobi ay ku qeexaan Maamulka Hargeysa Wadan taasoo meel ka dhac ku ah Midnimada iyo Wadajirka Somalia.

Dhaqadhaqaaqyada Kenya ee Gobolada Dalka ayaa kordhay, iyagoo horey saameyn xoogan ku lahaa Gobolka Jubada hoose, haatan doonaya iney Gobolada Waqooyiga ku balaariyaan Saameyntooda, waxeyna horey u direen wufuud heerkoodu hooseeyo, iyagoo Sidoo kale qorsheynaaya in mustaqbalka dhow u diraan Wufuud kale Magaalada Hargeysa.

51380cookie-checkKenya Oo Dardar Gelisay Saameynteeda Gobolada Dalka