Dugsiyadii Waxbarashada Degaanka Waqooyi-Bari Oo Xiran

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Kenya iyo kuwa Kooxda Shabaabka ay saameyn ku yeesheen Dhamaan Dugsiyadii Waxbarashada ee Degaanada Waqooyi-Bari Kenya, iyadoo muddo 18-bilood ah aysan waxbarasho helin Ardyada Somali-Kenya ah ee ku nool Gobolka Somalida….

Dowlada Kenya ayaa k gaabiyay iney Daryeel Waxbarasho iyo Caafimaad u fidiso Ardayda Soomaalida ah ee ku nool Degaanada Nord-Easterners, waxeyna Dib ugala laabteen Macalimintii Dugsiyada wac ka dhigi jirtay kadib markii dhowr weerar Oo qorsheysan ay Kooxda Shabaabka ku bartilmaameedsadeen Dugsiga Waxbarashada ee degaanadaasi.

Warbixino amaan ayaa tilmaamaya in Dayaca ku yimid Dugsiyada ay horseeday in Ardaydii Dugsiyada ay fursad u helaan iney ku biiraan Kooxda Argagixisada ee Shabaabka, kadib markii la Xiray Dugsiyadii Waxbarashada, waxeyna u sahashay Kooxda Shabaabka iney si fudud u hantaan Dhamaan Xadka labada dhinac Ee Kenya iyo Somalia 700-KM).

Talaabadaan ayaa Kooxda u sahashay iney Ku dhex milanto Dadka degaanka isla markaasna si fudud ku hesho xogaha la xiriira dhaqdhaqaaqa Ciidamada Kenya ee degaanada Soomaalida Kenya, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha degaanka ayaa Dowlada Kenya ugu baaqay iney la yimaadaan barnaamij cad oo lagu badbaadin karo Caruurta Soomaalida isla markaasna looga xoreyn karo Degaanada Kooxda Shabaabka.

49740cookie-checkDugsiyadii Waxbarashada Degaanka Waqooyi-Bari Oo Xiran