Maamulka Puntland Oo Fasaxay 2-Diyaaradood oo ku Xanibnaa Garoonka GAROOWE

Somalia news

Kadib muddo maalmo ah oo Maamulka Saciid Dani uu xanibaad saaray 2-Diyaaradood oo muddo maalmo ah fadhiya Garoonka Diyaaradaha Garoowe baarisna lagu hayay Shaqaalaha iyo Duuliyayaasha ayaa ka sheegay in la fasaxay kafib markii lagu waayay wax dembi ah…

Sida loo sheegay Wariyayaasha Warsidaha Diinah.com news, labada diyaaradood iyo shaqaalihii la socday ayaa shalay galabta ka duuleen garoonka Garoowe, kadib markii baaritaan ay Maamulka Puntland ku sameeyeen xaqiiqda ku gedaaman labada Diyaaradood isla markaasna lagu xaqiijiyay in aysan wax kiis ah la hayn.

Diyaaradaha oo la sheegay in ay u socdeen dalka Pakistaan ayaa Madaxweynaha Puntland ka shakiyay xilli uu garoonka ku sagootinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, wuxuuna magacaabay guddi baaritaan dhab ah ku sameeya labada diyaaradood.

231040cookie-checkMaamulka Puntland Oo Fasaxay 2-Diyaaradood oo ku Xanibnaa Garoonka GAROOWE
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com