Maamulka Hargeysa Oo Ku Dawakhsan Isku Dheeli-Turks Awooda Degmada Lascanood

Somalia news

Maamulka Muuse Biixi ee Hargeysa ayaa ku dawakhsan ka lana kulmay madax-adayg, Maleeshiyo beeleed uu Horjooge u yahay Mahad Cambaashe kadib markii uu horjooguhu ogaaday in Hargeysa Maleeshiyaad u qoreyso Jufada Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland..

Horjooge Cambaashe ayaa wuxuu ku dooday in Maleeshiyaadka maamulka Muuse Biixi u qorayo Saleebaan Cali Koore ku koobnaadaan degaanada Xuddun iyo Taleex, Doodaan waxaa gaashaanka ku dhuftay waxgaradka beesha Saleebaan Cali Koore, Doorashadii Baarlamaanka Somaliland ayaa kordhisay awoodda metelaadda kuraasta ku sidkan Koore siyaasad ahaan.

Lama filaan ayay ku noqotay Horjooge Mahad Cambaashe in natiijadii doorashada sare u qaadday metelaadda beesha ay ka soo jeedaan Saleebaan Cali Koore iyo Cabdulqaadir Indho-indho, “Waa la soo dhaafay waqtigii Ina Cambaashe ku maxaafsan jiray ‘Beesha Saleebaan Cali Koore baa diiddan Somaliland’. Codkeenna ayaannu cududdeenna ku muujinnay ayuu yidhi firfircoone siyaasadeed oo aad ugu dhow Saleebaan Cali Koore.

Yaasiin Faratoon ayaa taageersan dhimista awoodda miliishiyada horjooge Mahad Cambaashe oo ku doodaya in beesha Saleebaan Cali Koore u heellan tahay inay laba-gardaaqnimo siyaasadeed ku maasho. “Waa nasiibkayaga in beesheennu Nugaal iyo Bari soohdin la wadaagto.

Maamulka Somaliland xoogaggiisa ku sugan Sool waxay ku tiirsan yihiin Horjooge Mahad Cambaashe iyo Maleeshiyaadkiisa uu maamulka Somaliland gunno ku siiyo. Waana Maleeshiyaad uu Ina Cambaashe abaabushay dhowr iyo toban sano ka hor, Waa Maleeshiyaad ka awood-badisay Horjoogaha Axmed Cabdi Xaabsade u adeegsaday fududeynta in maamulka Somaliland qabsado Laascaanood.

159310cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Ku Dawakhsan Isku Dheeli-Turks Awooda Degmada Lascanood