Shanta Astaamood Oo Ay Ku Sifoobeen Guuldareystaha

Somalia news

Waxaan Qormadaan diiradda ku saari doonaa, Shaqsiyaad haya dariiqii guuldarada, (Loser’s bath) balse, aan dareensaneyn ba oo u heysta inay jidka guusha ku raad joogaan! Wali hore ma u aragtay akhristoow dadkaa, Wax badan ma ka fikirtey, waxaa guuldarrada kugu wacan? Marar badan ma go’aansatey inaad is-beddel sameysid, balse, ma gaabisay..

Dadku waxay u kala baxaan guuleystayaal iyo ma guuleystayaal, Waxaa inta badan la yidhaa: waxaa badan dadka guuldarreystay! Haddaba, waxaa jiro astaamo ay leeyihiin dadka guuldarradu ay ku badan tahay, waana kuwan ee iska eeg inaad ka mid tahay:

Qorshe la’aan:

Waa dadka aan laheyn wax qorshe ah. Waxaa lagu magacaabaa caajislayaal. Waxaa kale oo lagu magacaabaa dadka Riyada ku nool, balse, ma hirgaliyaan riyooyinkaas! Riyadda aan ka hadlayaa maaha tii hurddada; waa tii hadafka iyo hirgelintiisa. Maxaa u hirgali ba, waxaa ka maqan noloshooda qorsheynta. Qorshuhu waa dhaqaajiye, wuxuu qeexaa halkaad taagan tahay iyo halka aad u socotid. Dadkan noocan ahi, waxaa caado u ah, iney nacaan waxa qorshaha la yidhaaba. Haddii aad maqli jirtay, qorshaa lagu meel maraa ama meel lagu gaadhaa; kuwani uma arkaan QORSHAHA inuu wax muhiima leeyahay!.

Howl yaraan inuu guusha helo:

Waa mid aan dooneyn inuu halgamo, wuxuu raadiyaa hab gaaban uu guusha ku gaadho. Safarka guushu wuu dheer yahay, wuxuuna wataa daal, harraad iyo hagardaamo.

Taasi waa mid la isla wada-yaqaan, balse, qofka aynu ka warrameynaa; wuu innaga fikir duwan yahay. Ma aammisana waxaa aynu ka dhureyno! Wuxuu naftiisa ku qanciyey inuu Iska seexdo, iskana soo tooso; guushana uu aayar hortiisa ka qaato.

Ma ogaba, in hore loo yidhi: “lama helo wadaadoow, waxaan cidi ku howshoon”. Isaga dhaguhu uma doloolaane, waxana dhageysan maayo, wuxuu wax ku doonayaa inuu ku helo, ishaa biligteed. Wuxuu baadi doon ugu jiraa, dariiq gaaban oo uu guusha ku helo. Haddaba, haddii aad ka mid tahay, dadka dabeecaddaan leh, ogow inaanad guul gaareynin!

Ka cabsashada khaladka:

Waa kuwo ka baqa inay sameeyaan khalad. Qaladka waxay u arkaan fashilaad. Waxay ula muuqataa ceeb. Tani, waxay dabar adag ku noqotey inay gaadhaan guul.

 Haddii ay marka kowaad khalad sameeyaan, iskuma dayaan inay mar labaadka saxaan; kamana bartaan cashar iyo cimri qaadasho. Iska daa iney wax ku qaataane, waxay ka cago jiidaan isku deyga. Waxay naftooda ka dhaadhiciyaan, haddii hadafkan ama howshaan qaldaan, inay dadka kale, kala kulmi doonaan fadeexad ama bahdil!.

Dadkan, waxaa lagu yaqaan, kuwo qarsada qaladka ay sameeyaan. Ma jecla inay bulshadu ogaato. Waxaa dhiba in la yidhaahdo: “hebel wuu guuldarreystey ama heblaayo ma guuleysan”.

Kama faa’iideystaan fursadaha:

Waa kuwo ammisan fursadda, balse, iskuma diyaariyaan inay soo qabsadaan. Waxay rabaan in fursaddu iyadoo cagaheeda ku socota ay soo istaagto iridda aqalkooda hortiisa. Kadib ay ku tunto ama ku garaacdo albkaabka; kama  qasnaba oo kama furaan albaabka. Fursaddii  ayaa ku noqota , halka ay ka timid. Way maqlayaan jabaqda ay sameynayaan kabaheedu  iyo  sii socodkeeda, jaqaf, Jaqaf, balse, dhagahoodu uma doloolaan. Dareenkoodu uma soo jeedo; diin baa hadduu dhaqaaqo dhul dhan maree, bal ka warran fursadda oo dabeysha ka dheereysa?

Markey fursaddu galbato, ayey sidii kuwo soo miyirsadey, madaxa lasoo boodaan. Dhankan iyo dhankaa ayey u boodaan.  Waxay garwaaqsadaan, inay fursaddii waa hore dabeyshatay.

Niyad jab awgeed ayey jilbaha u dhacaan! Waxay ku calaacalaan: AH! “Maxaan fursadda u dayacnay?” Ma mid bay aheyd; fursad iyo badhbey aheyde… Yaa dib usoo celiya…alla waan ka daa’iideysan lahaa. Waxaa kale oo jira dad yaqaan qiimaha fursadda, balse, mooggan sida loo abuurto. Haddaba, haddii aad tahay qof leh dabeecaddaan, ogow, adaa doortay dariiqii guuldarrada!.

Dib dhigasho:

Waa kuwo summadoodu ay tahay astaanta dib u dhigashada. Wax kasta oo ay qabso leeyihiin, dib ayey u dhigaan. Hammigooda iyo hiigsigoodaba waxaa halis ku noqday dib u dhigashada. Markii uu qofku arko, halka uu shan sanno ka hor taagnaa, inuu maantana taagan yahay, waxaa naftiisa ku abuurma ciil iyo caloolyow. Sababaha ku keena inay hadafkooda iyo howshooda dib u dhigaan, waxaa ka mid ah, Waxay amminsan yihiin in howshan hor taallaa ay adag tahay. Sidoo kale, hadafkan uu xarriiqday, wuxuu ka baqayaa inuu ku guuldarreysto. Hal-ku-dhigyada ay dadkani ku caan baxeenna, waa kuwan: “howshani way adag tahay, kuma guuleysan doono”. “Hadafkan ma hirgelin karo.”

159350cookie-checkShanta Astaamood Oo Ay Ku Sifoobeen Guuldareystaha