Ma Dhabaa in Ethiopia ay Codsatay in Saami laga siiyo Dekada Garacad & Jawaabta Saamileyda..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegaya in Maamulka Abiy Axmed ee Addis Abeba ay si rasmi ah u weydiisatay Dowlada Federaalka iyo Maamulka Puntland in Dekeda Garacad Saami laga siiyo oo ayna sheegtay iney dhismaha Wadadana ka qeyb qaadan doonto…

Xogo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Dowladda Ethiopia ay codsatay in Dekeda Garacad in Saami dhan 30% laga iibsho, waxaa ganafka ku dhuftay Gudiga Maamula ee Wakiilka u ah Ganacsatada Maalgashaday Hirgelinta Dekada, iyagoo sabab uga dhigay in Amaanka iyo Xasiloonida degaanka aysan suurto gal noqon karin in Saami laga gado Ethiopia.

Todobaadkii tagay ayuu Wasiirka 1-aad ee Ethiopia sheegay in Dadkiisu aysan Deked la’aan noqon karin, wuxuuna u sheegay Barlamaankiisu inuu Xoog iyo xeeladba ku raadin doono Dekad, isagoo farta ku fiiqay Dekedaha Seylac, Garacad iyo Kismaayo ay noqon karaan ku loo xusho iney Maamushaan oo Xarumo Ciidamo badeed ka dhistaan, Maamulka Villa Somalia ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan.

282630cookie-checkMa Dhabaa in Ethiopia ay Codsatay in Saami laga siiyo Dekada Garacad & Jawaabta Saamileyda..