Maamulka Hargeysa Oo Xusul Duub Ugu Jira Xiriir Ay La Yeeshaan Israel

Somalia news

Kadib markii tiro dhowr dal oo Carbeed ay xiriir Diblomaasoyadeed la yeesheen Dalka Israel (UAE, Baxreyn Suudaan Masar), ayaa Maamulka Muuse Biixi ee Waqooyiga Somalia wuxuu xusul duub ugu jiraa sidii uu xiriir ula yeelan lahaa Dalkaasi….

Ilo wareedyo Sirdoon ayaa sheegaya in Dalka UAE uu si hoose u wado in la wada kulansiiyo Ergo ka socota Maamulka Netanyahu iyo kuwa Muuse Biixi, kaasoo ka dhici doona Magaalada Abu Dhabi, horey ayeey Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hargeysa u sheegeen in Maamulkoodu uu doonaayo inuu xiriir la yeesho Maamulka Tal aviv.

Wakiilka Maamulka Hargeysa Ee UAE Mr.Baashe Cawil Xaaji ayaa sheegay in “Maamulkoodu diyaar u yahay iney xiriir la yeeshaan Dalka Israel, wuxuu ka warramay Ahmiyada Dhuleed Ee Bas Cas iyo Marinka Bab el-Mandab ay noqon karto Saldhigg laga difaaco lagana ilaaliyo Maraakiibta Shidaalka iyo Xamuulka Ee sida joogtada ah u mara Baddaasi.

71800cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Xusul Duub Ugu Jira Xiriir Ay La Yeeshaan Israel