Dhimasho ka Dhalatay Dab Qabsaday Dugsiga Caruurta Araga Naafada ka ah

Africa News

Wararka naga soo gaaraya dalka Uganda ayaa sheegaya dab xoogan subaxnimadii hore ee shalay dab qabsaday Dugsi ay wax ku bartaan Caruurta araga naafada ka ah, kaasoo ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac gubasho oo heerar kala duwan leh…

Wararka ayaa sheegay in Baarayaasha Boliiska ay gacanta ku hayaan sababta kicisay dabkaasi oo ka kacay Dugsi ay caruurta araga naafada ka ahi jiiftaan kuna yaala magaalada Mukono ee bariga caasimada Kampala, inkastoo dhacdooyinka noocaan ah ayaan caadi aheyn.

Shilkaan ayaa ku dhinteen 11-Caruur ah iyadoo afar kale oo dhaawqcyo culus qaba loo la cararay isbitaalada, kuwaasoo saraakiisha Caafimaadka ay xaaladoodu ku tilmaameen mid liidata, Dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay inuu Dab ka kacay Dugsiyada, waxaana lagu sababeeyaa Ardayda oo shita Shumaca marka nalka la demiyo.

220960cookie-checkDhimasho ka Dhalatay Dab Qabsaday Dugsiga Caruurta Araga Naafada ka ah
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com