Maamulka Nairobi oo Beeniyay iney Safaarad ka Furaneyso Magaalada Hargeysa

Africa News Somalia news

Kadib markii ay dhowaan ay soo saareen qoraal Wasaarada Arrimaha Dibeda Kenya iney dhowr Dal sanadkaan ka furaneyso Safaarado 7-xarumood, kadib markii ay dib u habeyn ku sameeyay Amar Mafaxweynaha Kenya Xeer lambarkiisu yahay No-1 ee 2023-ka…

Wararka ayaa sheegay in Amarkaan uu khuseeyo 6-Howlgal oo cusub kuwaasoo saldhigoodu noqon doonaan, Djibouti (Djibouti), Bern,(Swiss) Arusha (Tanzania), Goma (DR Congo), Jakarta (Indonesia) iyo Hargeysa (Somalia), iyadoo Xafiisyada Howlgaladaan cusub ay ja dhigeyso tirada guud ee Kenya 66-Howlgal halkii ay horey uga aheyd 60-Xarumood.

Barta Tweeter-ka Wasiirka Arrimaha Dibeda Kenya Mr.Alfred Mutua ayaa ku cadeeyeey inuusan jirin Qorshe cusub oo Dowladda Kenya Safaarad uga furaneyso xarunta Maamulka gooni isutaaga Somaliland ee Hargeysa, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay uu hadalheyn badan ka dhaliyay baraha Bulshada, kadib qoraalka Kenya soo saartay.

237090cookie-checkMaamulka Nairobi oo Beeniyay iney Safaarad ka Furaneyso Magaalada Hargeysa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com