Ma Dhabaa in Dalalka Daneeya Arrimaha Somalia ay Oggolaadeen in Xayiraada Hubka la Qaado

Somalia news

Waxaa maalintii Khamiistii ka dhacay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, Kulan looga xaajoonayay ka qaadista cunaqabataynta Hubka Somalia oo saarneyd laga soo bilbaado 1992-dii, iyadoo Cunaqabateyntaani ayaa dhibaato iyo dib u dhac ku tahay Dagaalada lagu xidida siibaayo kooxaha Argagixisada…

Xogtaan ayaa sheegtay in Kulankaasi ayaa waxaana kasoo qayb galay Wakiilada Beesha Caalamka, Xubno ka socda AU-da, waxaana si buuxda la isku waafaqay in Mab’d ahaan la qaado cunaqabataynta, waxaase harsan farsamo ahaan in la dhamaystiro.

Kulanka ayaa la sheegay in la isku raacay in ka hor Kulanka guud ee QM oo qabsooma Bisha Septembar la hor geeyo Golaha Amaanka waxaana Dowlada Federaalka laga dalbaday iney farsamo ahaan ay heshiis Maamulada soo gaaraan Qodobadaan.

-Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah isla waafaqaan wadaaga Xakameynta Hubka, Gacanku hayntiisa loo daayo Dowlada Federaalka.

-Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay isla fahmaan Siyaasada Amniga ee ay hoos imaanayso dib udhiska Ciidanka Qaranka Dowladda Federaalka.

Dowladda Maraykanka, ayaa aad u daneyneysa qaadista cunaqabataynta, waxaana galay danihiisa oo isagoo ka deg-degayaa in Dalalka China iyo Russia ay helaan fursado ay kaga faa’idaystaa Bacdamaa Ciidamada Soomaalida ay aqoon ahaan fahmayaan Hubka ay farsameyaan.

Fiiro gaar ah:- Lifaaqa Hubka fudud iyo Rasaasta ay Masar ugu deeqday Somalia 2020-kii

251610cookie-checkMa Dhabaa in Dalalka Daneeya Arrimaha Somalia ay Oggolaadeen in Xayiraada Hubka la Qaado