Maamulka Somaliland Oo Maleeshiyaad Dhigay Magaalooyinka Burco & Ceergaabo…

Somalia news

Warbixino Amaan oo laga helay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa tilmaamaya in Xoogaga Amaanka RRU ee Maamulka Somaliland ay howlgalo ku soo qabteen Dhalinyaro ka soo jeeda Beesha HY oo diidanaa in la baajiyo Doorashada isla markaasna waday Abaabulo..

Wararka ayaa sheegaya in Masmulka Muuse Biixi uu adeegsaday Xoogaga RRU kuwaasoo howlgalo baaris ka sameeyay Magaalada Burco kuna soo qabtay tiro dhalinyaro ah iyo Qoryo fudud, waxeyna sheegeen iney abaabul ka wadeen magaalada, tiro kale ay ka baxsadeen, Dhalibyaradaan ayaa diidaneyd in dib loo dhigo doorashada.

Maamulka Muuse Biixi ayaa ku guuleystay inuu ku cadaadito Gudoonka Guurtida iney aqbalaan dib u celinta xeerka doorashada isla markaasna 3-bilood oo fasax galeen, waxaana halkaasi ku soo af jarmaaya rajadii laga qabay iney doorasho ka dhacdo Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagaan (RRU) oo lagu xoojiyay Maleeshiyaad Beeleedyada HA & HJ ayaa heegan laga geliyay Xaafada Konfurta Hargeysa, Magaalooyinka Burco iyo Ceergaabo, iyadoo uu Muuse Biixi uu yaqiinsaday inuu Xoog ku caburin karo Xoogaga Hubeysan ee Beesha Habar Yoonis isla markaasna uu sii fadhiyo doorasho la’aan kursiga.

303110cookie-checkMaamulka Somaliland Oo Maleeshiyaad Dhigay Magaalooyinka Burco & Ceergaabo…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com