Kooxo Hubeysan oo Dhalinyaro ku laayay Degaan hoos tagga Magaalada Dhuusamareeb..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaan hoos taga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Xalay 4-Dhalinyaro ah ku dileen degaanka Faragooy oo qiyaastii 20-KM dhinaca Konfuureef kaga aadan Magaalada Dhuusa mareeb ee Gobolka Galguduud..

Wararka ayaa sheegaya in Kooxda Dableyda ah ay ka yimaadeen dhinaca Degaanka Ceelgaras, waxeyna Dhallinyarada ku dileen goob ay ku caweynayeen, Ceelgaras ayaa u dhaxeysa waddada xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, iyagoo dib ugu noqday halkii ay ka soo weerar tageen.

Dhalinyaradaan ayaa la sheegay ineysan hubeysneyn xiliga la dilay, Ma cadda waxa uu salka ku hayo dilka Dhalinyaradaasi, balse Dadka Degaanka ayaa tuhunsan in dilkooda uu la xiriiro aanooyinka xagga Beelaha, ilaa hadda Maamulka Qorqor iyo kan Xasan Gurgurte ayaan ka hadlin dhacdadaan.

303140cookie-checkKooxo Hubeysan oo Dhalinyaro ku laayay Degaan hoos tagga Magaalada Dhuusamareeb..