Maamulka Villa Somalia ayaa Isbedel Qarsoodi ah ku Sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha…

Somalia news

Sidii aan horey u shaacinay waxaa isbedel qarsoodi ah lagu sameeyay Agaasimayaasha Wasaaradaha inta badneyna waa la wada bedelay, iyadoo loo cuskaday Isbedelkooda Aqoon darri iyo karti yari, ku darsoo waxaa wareegtooyinka lagu magacaabay hoos loo dhigay oo aan la shaacin..

Wararka ayaa sheegaya Inta badan Agaasimayaasha Shaqada laga eryey lama soo eedayn, Maxkamad ama Hantidhowr eed rasmi ah kama soo saarin, Dad badan ayaana u arka boos ka riixasho, iyo in Dad Wasiiradu wataan ama ehel la’ah Shaqooyinka looga qaadayo Agaasimayaal shaqadooda hayay xiligii Maamulka Farmaajo.

Waxaase aad loo la yaabay in Agaasimaha guud Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka oo ka mid ah shaqsiyaad kooban oo si rasmi ah loo eedeyey ayaa weli shaqada sii wata kadib amar ka yimid dhanka Madaxtooyada oo laashay Qoraalkii Maxkamada oo shaqada iyo safarka looga joojiyey, Agaasimahan oo ka mid ah Kaadiriinta Dembi jadiid iyo xubno koobqn oo kale ayaa ahaa Dadka sida daran musuq, hawl-gudasho la’aan iyo kutagri-fal awoodeed ay ku eedayeen Maxkamada Gobolka Benaadir.

305540cookie-checkMaamulka Villa Somalia ayaa Isbedel Qarsoodi ah ku Sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha…