Macalin Dugsi Quraan oo lagu dilay Magaalada Baledweyne

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beled weyne ayaa sheegayaa Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii xaafada Xaawo taako gaar ahaan laanta Nuur xawaad ee Magaalada Baledweyne ku dilay Macalin Dugsi Quraan oo caan ka ahaa Magaalada…

Wararka ayaa sheegay in Allaha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Mowliid Cali Cilmi oo ka mid ahaa Culuma’udiinka Magaalada Baledweyne, kaasoo dableydii geystay dilkiisa ay isaga baxsadeen goobta ay ku dileen marxuumka, Macalinka la dilay ayaa Dugsi lagu barto Quraanka Kariimka ku lahaa xaafada Xaawo taako ee magaalada Baledweyne, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa.

Xaalada Amaan ee Magaalada ayaa u muuqata mid faraha kasii baxaysa, kadib markii ay kusoo kordheen gudaha magaalada Baledweyne mudooyinkii lasoo dhaafay falalka amaan daro ee la xariira dilalka iyo bam gacmeedyada lagu weeraro fariisamaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha magaalada.

243420cookie-checkMacalin Dugsi Quraan oo lagu dilay Magaalada Baledweyne