Ma Dhabaa in Ethiopia ay Ka Fikireyso iney ka Laabato Heshiiskii Ay la Gashay Maamulka Waqooyiga ee Somaliland..

Africa News Somalia news

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo loo qaateen ah Maamulka Abiy ee Addis abeba ayaa ka fekeraaya sidii uu meesha uga saari lahaa Heshiiskii Is-fahamka ahaa er bilowgii Sanadkaan uu la saxiixday Maamulka Gooni goosadka ee Waqooyiga Somalia, kadib markii Cadaadis Caalami ah uu kala kulmay xiisada ka dhalatay Dekada loo saxiixay 50-ka sano ee Degmada lughaya ama Tuulada Bulaxaar…

ilo-wareed ayaa u sheegay Wargeydka Bloomberg in Bishii Jannaayo, Dalka Ethiopia oo aan bad lahayn ay la saxiixtay heshiis hordhac ah si ay u noqoto Dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Maamulka gooni goosadka ee Somaliland, Heshiiskaan sharci darrada ah ayaa Buuq xoogan dhaliyay, iyadoo Somalia ay ku adkeysatay “inay difaaci doonto Midnimada, Wadajirka iyo Madaxbanaanida dhulkeeda ee Dalka”, Dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa taageeto u muujiyay Somalia waxayna ku booriyeen Ethiopia inay taxadaraan.

https://www.bloomberg.com/news/articles/2024-03-08/ethiopia-may-scrap-somaliland-recognition-amid-regional-pressure

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa muujiyay sida uu u doonayo inuu “ka laabto” Heshiiska buuqa badan dhaliyay, wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu dib u soo nooleeyo xiriirka Somalia, ayuu yiri Saraakiil ku dhow Mr.Abiy oo codsaday inaan la xusin magacooda kaasoo aan loo oggoleyn inuu si cad uga hadlo Xiisada Ethiopia iyo Somalia.

Ilo wareedkaan ayaa si gaar ah ugu sheegay in Dowlada Ethiopia laga yaabo iney ka noqdaan Heshiiskaasi oo fulintiisa ay ku xiran tahay Aqoonsiga Maamulka Waqooyiga Somalia, sida ay sheegeen ilaa 5-Diblomaasi Dowlado African ah oo loo gudbiyay Aragtida Addis Abeba, Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale arrintan ka hadlay kulan uu la qaatay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo isna booqasho ku tagay Dalka Kenya, isla markaana uu ku sugnaa Abiy, inkastoo isku daygii Kenya inuu isku keeno uu fashil ku soo dhamaaday.

Maamulka Addis abeba ayaa uu aad u danaynayo helitaanka Dekedo, inkastoo Deeq-bixiyeyaasha waaweyn ay ka digeen in heshiiskani uu colaad ka hurin karo Gobol ka oo aan xiligaan xasilloonayn, Somalia waxay u aragtaa “sharci darro” iyo “ku-darsi Dhul boob”, Digniinta Mareykanka iyo Qaramada Midoobay waxaa laga yaabaa inay u ogolaato maleeshiyada kooxda Shabaabka inay ka faa’ideystaan ​​xaaladaan oo taageerayaal badan ku qortaan.

313290cookie-checkMa Dhabaa in Ethiopia ay Ka Fikireyso iney ka Laabato Heshiiskii Ay la Gashay Maamulka Waqooyiga ee Somaliland..