Maxaa Madaxweynaha ka Hortaagan inuu Isbedel ku Sameeyo Hogaanada Hey’adaha Amaanka

Somalia news

Inkastoo ay xowli ku socdaan howlgalada dhanka ka ah kooxda argagixisada Shababka, ayaa haddana waxaa lama huraan ah in Madaxweynaha uu ka qaato go’aan deg deg ah si isbedel muuqda loogu sameeyo Saraakiisha u xil saaran Amaanka Caasimada kuwaasoo ku kufay iney waajibaadkooda gutaan…

Warbixino hordhaca ah ayaa muujinayaa in Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka oo guuldarooyin is daba joog ah kala kulmaayay dagaalada ka socda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe isla markaasna ay u badan tahay iney xoojiyaan weerarada qorsheysan ee Caasimada khasaare balaaran u geystaan Shacbiga sida dhacday sabtigii tagay iyo Xalayba.

Saraakiisha Amaanka u xilsaaran Caasimada sida Taliyayaasha Boliiska iyo NISA gaar ahaan kuwa Gobolka iyo Degmooyinka ayaa lagu eedeeyay iney macaash badan ka sameeyaan Isbaarooyinka yaala gudaha magaalada, waxey dhisteen Dabaqyo, iyagoo lagu eedeeyay iney fududeeyaan Gaadiidka qaraxyada sida, isla markaasna dadka ku dhibaan Isbaarooyinka kuna qasbaan iney laaluush bixiyaan.

Hadaba, Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa inuu qaato go’aan deg deg ah oo wax looga bedelaayo Saraakiisha Amaanka gaar ahaan kuwa Boliiska iyo NISA, kuwaasoo ku caan baxay musuqmaasuq iyo laaluush.

223640cookie-checkMaxaa Madaxweynaha ka Hortaagan inuu Isbedel ku Sameeyo Hogaanada Hey’adaha Amaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com