Madaxtooyada Oo Yeelaneysa Agaasimihii 6-aad

Somalia news

Madaxtooyadda Somalia ayaa 3-sii sano ee ugu dambeysay waxaa soo food saartay Xasilooni daro dhanka maamulka ah, iyadoo Madaxweyne Farmaajo Intii uu Joogay Madaxtooyadda ku adkaatay iney yeelato Agaasime haga Howlaha Xafiiska….

Villa Somalia ayaa yeelatay 5-Agaasime intii uu talada hayay Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu waddaa in maalmaha soo socda uu magacaabo Agaasimihii 6-aad ee Xafiiskiisa.

Waxaa sidoo kale jira Agaasime ku xigeeno badan oo soo maray Madaxtooyadda kuwaasoo qaarkood ay isku dhawaayeen Siyaasad ahaan Madaxweyne Farmaajo, isla markaasna xil ka qaadis deg deg ah lagu sameeyay, Warar hoose ayaa sheegaya in Maamulka Xafiiska ay Isku heystaan Madaxweynaha iyo Marwada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilalka ka wada qaaday Agaasimeyaasha Madaxtooyadda marka laga reebo Nuur Diiriye Fuursade oo isaga tagay Shaqadda Madaxtooyada kadib markii ay is qabteen Madaxweyne Farmaajo sidda ay xaqiijiyeen ilo og ogaal ah.

Qaar ka mid ah howlwadeenada Madaxtooyadda ayaa Diinah.com news u sheegay qaarkood in Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay ay wajaheen dhibaato maamul oo aad u adag, maadaama isbadalka joogtada ah uu saameeyay Agaasimeyeyaasha qeybaha ee madaxtooyada.

56850cookie-checkMadaxtooyada Oo Yeelaneysa Agaasimihii 6-aad