MADAXWEYNAHA IYO WEFDI UU HOGAAMINAYO OO SAAKA SAFAR UGU BAXAY DEGMADA AADAN YABAAL

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Safar shaqo oo Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar ugu amba-baxay magaalada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada dhexe…

Madaxweynaha waxa sida la sheegayo safarkaas ku weheliya wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Amniga guud ee degmada Aadan Yabaal ayaa aad loo adkeeyay waxaana halkaas ka socda u diyaar-garowga soo dhaweynta Madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta ku wehelisa safarkiisa.

Madaxweyne Xasan oo ay u tahay markiisii koowaad uu tago Aadan Yabaal tan iyo intii laga qabsaday Shabaab ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

248160cookie-checkMADAXWEYNAHA IYO WEFDI UU HOGAAMINAYO OO SAAKA SAFAR UGU BAXAY DEGMADA AADAN YABAAL