Warbixin la Xiriirta Qoryo la xaday iyo Jid-gooyo ay Kooxda Argagaxisadu u Dhigteen Ciidamada Kenya ee Gobolka NEP..

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa jid-gooyo ay Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababku u dhigteen Colonyo Ciidamada Kenya, kaasoo ka dhacay Degaanka hoos taga Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya…

Wararka ayaa tilmaamay in kooxda Argagixisada Shabaabku ay weerar gaadmo ah ku bartilmaameedsaday Ung ka tirsan Ciidamada SOG ee Kiwanja oo ka baxay degaanka Welmereer ee ismaamulka Garissa, Waxaa la sheegay in 3 ka mid ah Xoogaga Amaanka lagu dilay halka 8 kalena lagu dhaawacay weerarka saaka aroortii hore.

Waxaa xusid mudan in Bilihii ugu dambeeyay ay kordheen Weerarada iyo Howlgalada ay Kooxda argagixisada Shababka ay ku beegsanayaan Xoogaga Amaanka iyo Dadka Rayidka ee ku nool Gobolka Waqooyi Bati iyo Degmada Lamu oo ka wada tirsan Dalka Kenya.

Dhanka kale, Dembi-baarayaasha ayaa ku raad jooga kadib markii ay kordheen Qoryo iyo Rasaas laga xaday Bakhaarka Saldhigga Boliiska ee Griftu (OCS) Xarunta Boliiska Wajeer.

Xogta ayaa xustay in Afar qori iyo 110-xabo oo rasaas ah ayaa la sheegay in laga la’yahay qeybta Keydka hubka ee Saldhigga Boliiska ee Griftu oo ka tirsan ismaamul hoosaadka ee galbeedka magaalada Wajeer.

Saddex qori oo AK-47 ah, hal qori oo G3 ah, 90 xabo oo rasaas ah oo loo adeegsaday qoryaha AK-47 iyo 20 xabo oo kale oo rasaas ah oo loo yaqaano G3 ayaa la la’yahay inkastoo xogta dhaq-dhaqaaqa hubku ay muujinayaan in hubka iyo rasaasta maqani ay ku jireen kaydka hubka.

265190cookie-checkWarbixin la Xiriirta Qoryo la xaday iyo Jid-gooyo ay Kooxda Argagaxisadu u Dhigteen Ciidamada Kenya ee Gobolka NEP..