Ciidamada Mareykanka oo dib u Bilaabay Baacsiga Kooxda Shababka

Somalia news

Ciidamada Mareykanka ee ku howlgala Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn ka fuliyay degaano ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Konfurta Somalia maalintii axadii aheyd, sida laga soo xigtay ilo wareedyo loo qaateen ah…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Duqeyntaan oo lala beegsaday Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Argagixisada Shabaabka, Weerarkaan ayaa ka dhacday degaanka Libi-kuus, halkaasoo lagu dilay labo Maleeshiyo oo ka tirsan Kooxda, Howlgalkaan ayaa ahaa midkii ugu horreeyay ee ka dhaca dalkaan ku yaalla Geeska Afrika tan iyo markii uu Joe Biden bishii May 2022 aqbalay go’aan Somalia dib loogu soo celiyo Ciidamada Mareykanka ee lagu saaray amarkii Trump.

Taliska Dhexe ee AFRICOM, ayaa qoraalkeeda ku xustay in Dowladda Federaalka iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an la dagaallanka Kooxaha Argagixisada si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, loogana badbaado khtarta mustaqbalka.

202170cookie-checkCiidamada Mareykanka oo dib u Bilaabay Baacsiga Kooxda Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com