Xoogag Hubeysan Oo Wasiir Federaalka ah Taageersan Oo Gadood ka Sameeyay Gobolka Bari

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya tuulooyin hoos taga Gobolka Bari (Puntland) ayaa sheegaya in Xoogag hubeysan oo taageeraan Wasiirka Qorsheynta Dowlada Wakhtiga ka dhamaaday ay isku uruursadeen degaano ka tirsan Gobolkaasi, iyagoo xirtay Wadooyin…

Wata hordhaca ah ayaa sheegay in Xoogagaan Gadoodka sameeyay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Daraawiishta Puntland, waxeyna ka careysan yihiin Kursiga Xildhibaanimo ee uu waayay Wasiir Jamaal ee Hop#169 oo laga wareejiyay xiligaan jufadiisa hoose, Ciidamadaan ayaa xirtay wadada ka timaada degaanka Ceeldaahir ee qabata magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegay in Odayaal ka tirsan degaanka ay ku baxeen xiisadaan isla markaasna ku guuleystay iney xakameeyaan Xoogagaan hubeysan kana qaadeen wadooyinkii ay xirtern, Mr.Jamaal ayaa horey u soo saaray digniino ku aadan boobka doorashada ay horseedi karto Amni darro.

Dhanka Kale, Koox ka tirsan argagixisada Shabaabka ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag, iyadoo haatan uu socdo dagaal u dhexeeya dadka degaankaasi iyo Maleeshiyaadka Shabaabka.

172530cookie-checkXoogag Hubeysan Oo Wasiir Federaalka ah Taageersan Oo Gadood ka Sameeyay Gobolka Bari